Home Wararka Maanta Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax Culus lagula eegtay Gobalka Gedo iyo Dhimasho...

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax Culus lagula eegtay Gobalka Gedo iyo Dhimasho iyo Dhaawac kasoo gaaray

0

Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta qarax culus ciidamada Itoobiya lagula eegtay degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, xilli ay ku socdaalayeen gudaha degmadaasi, waxaana soo gaaray khaasaro.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqleen jugta qaraxa, kadibna ay xigtay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada Itoobiya ee miinada lala beegsaday.

Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa goota ku dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacmeen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in khasaare xoogleh ay gaasiisay ciidanka Itoobiya, balse ma sheegin wax tiro ah.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana lasoo wariyay in kolonyada ciidamada Itoobiya ay horay usii wateen socdaalkooda, kadib howlgalo kooban oo ay ka sameeyeen goobta.

Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo Soo Faragalisay Khilaafka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya
Next articleCiidamada Dowlada oo Galhareeri kasoo qabtay Horjooge Cali Geele