Home Wararka Maanta Ciidamo horleh oo kusii Qulqulaaya magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Ciidamo horleh oo kusii Qulqulaaya magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC ay saacadihii u dambeeyay gaareen halkaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay markii hore kasoo kicitameen deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Sool iyo Bari, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada dheeraadka ah ee maanta gaaray Laascaanood ayaa ah kuwo hab beeleed u abaabulan, ayaga oo saacadaha soo socda gaari doona furimaha dagaalka ee duleedka magaaladaasi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli deganaan laga dareemayay xaaladda magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, inkasta oo laga cabsi qabo in dhinacyada isku horfadhiya halkaasi ay markale dagaalamaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore ugu eedeysay dagaalka Laascaanood inay qeyb ka yihiin dhinacyo kale oo barbar dagaalamaya kuwa deegaanka, halka ay eedeyntaasi waxba kama jireen ku tilmaameen SSC.

Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa sheegay in wada-hadal suurta-gal aheyn inta ciidamada Somaliland ku sugan yihiin gobolka Sool, ayada oo Somaliland dhankeeda ay dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xilli ay dowlada Itoobiya ay dhawaan billowday dadaallo nabadeed oo dhinacyada la iskugu soo dhaweynayo si xiisadda taagan xal looga gaaro, balse illaa hadda ma muuqato ifafaalo muujineysa arrintaasi.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa qaatay muddo bil ah, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleAabbe markay dhalatay gabadhiisu 30 ilbiriqsi hayey kadibna ka cararay balse 16 sano ka dib ayada ku badbaaday
Next articleSacuudiga iyo IRAN oo ku dhowaaqay heshiis taariikhi ah