Waxaa maanta mar kale garoonka diyaaradaha Muqdisho ka duushay diyaarad sida ciidamo ku biiraya dadaallada dib-u-xoreynta ee ka socda gobalka Galguduud gaar ahaan magaalada Wabxo iyo hareeraheeda.
Ciidanka ayaa waxaa sagootiyay xildhibaanno saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin dowladeed.
Dhawaan ayaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, waxay la wareegeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Wabxo, waxaana qorshuhu yahay inay sii baacsadaan haraadiga kooxda Khawaarijta ah ee wali ku dhuumaaleysanaya.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad