Ciidamo maleeshiyaad deegaanka ah oo loogu tala galay in ay dagaal la galaan kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degaanka Gaaleef ee Shabellaha Dhexe, waxaana maleeshiyaadkan macawuusleyda u tagay masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa ciidanka deegaanka ku booqday halka ay degan yihiin abaabulkana ka wadaan ee Gaaleef.
Masuuliyiinta Hirshabelle ayaa ciidanka deegaanka ku dhiiro galiyay in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee xiiligan ka socda qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe .
Maamulka Hirshabelle ayaa wada abaabulka maleeshiyaad deegaanka ah oo loogu tala galay in ay la dagaalamaan Al Shabaab, waxaana maleeshiyaadkan macawuusleyda loogu tala galay in garab siiyaan ciidanka dowladda.