Home Wararka Maanta Ciidamo Gadoodsan oo maanta la Wareegay Hotelka Jidbaale ee Magaalada Laascaanood

Ciidamo Gadoodsan oo maanta la Wareegay Hotelka Jidbaale ee Magaalada Laascaanood

0

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan SSC-khaatumo ayaa saaka qabsaday Hoteel Jidbaale ee magaalada Laascaanood, halkaasi oo lagu waday in uu maanta ka furmo Shirka dhammaystirka Maamulka khaatumo.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta SSC oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa gacanta ku dhigay goobtii loo diyaariyay in uu ka qabsoomo Shirka dhammaystirka Maamulka SSC-khaatumo, kaasi oo la filayay in uu furmo maanta oo Khamiis ah.

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo, waxay sheegtay in Tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami weyda go’aankaasi, waxaana ay ugu baaqday guud ahaan Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada kala duwan ee Amniga Khaatumo.

Waxaa socda dedaalo ay wadaan odayaal iyo siyaasiyiin oo la doonayo in kagu qanciyo hotelkana looga saaro ciidanka gadoodsan ee saakay la wareegay goobta lagu qabanayo shirweynaha dhameystirka maamulka Khaatumo.

Dhaq dhaqaaqan ayaa bilowday saacado kaddib markii xalay Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo go’aamisay in magaalada Laascaanood ay ka reebban tahay in hub lala dhexmaro ama ciidan hubaysan soo galo laga bilaabo 10/7/2025 oo ku beegan maanta, sida ku cad Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Bilowday Qorshe lagu Furayo Wadooyinka Muqdisho ee Xiran
Next articleWafdi Wasiiro ah iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood