Home Wararka Maanta Ciidamo Cusub oo Sugaaya Amniga Muqdisho oo Tababar Losoo Xiray Kadib weerarkii...

Ciidamo Cusub oo Sugaaya Amniga Muqdisho oo Tababar Losoo Xiray Kadib weerarkii Liido

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay sugaan amniga Muqdisho, waxaana tallaabadan ay kusoo aaday maalmo uun kadib weerarkii lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido.

Ciidamadan oo ka tirsan booliska Soomaaliya waxaa maanta tababar usoo xiray wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kadib munaasabad ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ciidamada tababarka loogu soo xirayey wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Cabdullahi Kaniif iyo saraakiil kale oo ka tirsa ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa kamid noqonayo Booliska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda.

Taliska booliska ayaa sheegay in ciidamadan ay qaateen tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimada, si ay u xaqiijiyaan amnga guud, ugana hortagaan weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada mararka qaar ka dhacay gudaha Muqdisho.

Wasiir Fartaag oo madasha ka hadlay ayaa ciidamada cusub ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad amni, kadib bilo ay ka caaganayd falalka ammaan darrida ah, waxaase mar kale dib weeraradeeda u bilowday kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa beegsatay xarumo muhiim ah, sida Liido, Maqaayadda Top Coffee ee degmada Boondheere iyo saldhiga dhexe, waxaana ka dhashay khasaarooyin xoogan.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ugu danbayn ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo maantay Ansixiyay Sharci dad Badan ku Farxeen