Home Wararka Maanta Ciidamo Cusub oo Farabadan kana Mid ah gorgor oo tababar Muqdisho loogu...

Ciidamo Cusub oo Farabadan kana Mid ah gorgor oo tababar Muqdisho loogu soo xiray

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta dugsiga tababarada ciidamada xoogga dalka ee TurkSom uga qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa loo soo xiray tababar adag oo muddo uga socday TurkSom, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadaan looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad.

Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika.

“Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka dhabaysaan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidammada dhammeystay tababarka ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Militeriga Turkiga, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka qeyb galay munaasabadda ciidankaan cusub loogu soo xiray tababarka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDonal Trum oo Amar uu bixiyay Maantay ka Fulay Soomaaliya
Next articleYaa Ka Danbeeyey Dilkii Salwan Momika oo Kitaabka Quraanka ku Gubay Swedan?