Ciidamo gaaraya kumanaan askari oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka ku qul-qulayay Magaalada Mesagawey ee Gobalka Galgaduud, waxaana ciidamadaan qeyb ka ah urur cusub oo dhawaan Beladoogle tababar sare ku soo qaaday.
Taliyaha ururka 86aad ee Guutada 77 XDS, Taliye Cabdinuur Qadaaye iyo taliyaha ururka 85aad ee Madaxtooyada Soomaaliya Taliye C/wahaab ayaana saaka ku jarmaaday Magaalada Mesagawey waxayna kormeereen xurumihii danta guud ee Bulshada loogu adeegi jiray dhawaana dib loo Howlgalin doono.
Ciidamadaan kumanaanka gaaraya ayaa loogu talagalay inay xureeyaan deegaanada muhiimka ah ee Galmudug, waxaana sidoo kale ciidamo cusub la gayn doonaa Galcad, Ceel-bacad, Ruunirgood iyo Budbud.
Ciidamadaan cusub waxaa dusha sare kala shaqeenaya diyaaradaha dagaalka, waxaana habeen ka hor ay diyaaradahu weerareen Baraak Sheikh caamir iyo Cali Hayle, Taliska XDS ayaana keenay qorshe cusub oo dagaal.
Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu