Home Wararka Maanta Ciidamadii Kusugnaa Gobalka Oo loo Daabulaayo Galmudug

Ciidamadii Kusugnaa Gobalka Oo loo Daabulaayo Galmudug

0

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo qorshe lagu daad-gureynayo ciidamadii Gorgor ee ku sugan gobolka, kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Soo celinta ciidamada ayaa aheyd arrin uu hore u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan markii hore u fulin caqabado ka horyimid, sida ay ogaatay mudig24.

Xog ay heshay Mudug24 ayaa sheegaysa in arrinta u weyn ee hortaagneyd soo celinta ciidamadaasi ay aheyd in gaadiidkooda dagaalka lasoo raro iyo inkale.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegaya inuu ciidamada ku sugan gobolka Gedo u doonayo inay ka howl-galaan gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Deegaanada laga saaray kooxda ayaa waxa qaarkooda lasoo warinayo inay ka jirto ciidamo yaraan, waana sababta xiligaan keentay in ciidamada dib looga soo celiyo Gedo.

Ciidamadan ku sugan Gedo, siiba magaalooyinka xuduudka Kenya ayaa waxaa halkaasi geeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo gobolka aan weli xal loo helin khilaaf siyaasadeedkii uu saldhiga u ahaa Farmaajo ee kala dhaxeeya maamulka Jubbaland.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo xalay gobolka Galgaduud uu dagaal culus ka dhacay, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee gobolkaasi ayaa yimid kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolkaasi.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Howl-galada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena kamid ah gobolada jabka xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, laga saarayna dhulkii ugu ballaarnaa.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleIsimadda dhaqanka ee gobalada SSC oo Jawaab Adag Siiyay Muuse Biixi Hadal Kasoo Yeeray Shalay
Next articleWasiirada Gaashaandhigga Iyo Taliyaasha Ciidamada ay ka Joogaan Soomaaliya Oo Shir Uga Furmay Muqdisho