Saraakiisha iyo Bulshada degmada Wisil ayaa si sharaf iyo milgaleh maantay U sii sagootiyay Ciidamo reer Xarardheere ah, oo Shalay wisil lagu hakiyay kadib walaac saraakiisha difaaca Xarardheere ay ka muujiyeen ciidamadaasi.
Ujeedka hakinta Gaadiidkaan iyo Ciidamada ayaa ahayd inaan isku dhac uusan ka imaan degmada Xarardheere, waxaana Saraakiisha iyo odoyaasha Degmada Wisil ay dadaalo dheer kadib ku guulaysteen in la xaliyo Madmadowgii ay kala qabeen Ciidamada. waxaana saacado ka hor degmada wisil laga sagootiyay Ciidamadii u dhashay Beesha Saruur, kadib is faham buuxa oo laga gaaray xaaladdii taagnayd 24saac ee lasoo dhaafay.
Gaadiidkaan oo ka koobnaa ilaa lix gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa labo kamida lagu reebay degmada Wisil, kuwaas oo ka baxsanaa Ciidamada Beesha Saruur isla markaana uu mid ka mida lahaa ugaas Dhagey Geelle, kaas oo amray in Gaarigiisa lagu reebo wisil ayna gacanta ku hayaan Saraakiisha Difaaca degmadaasi, halka Gaariga kale oo ay lahayd beesha Saleebaan looga heshiiyay In dib loogu celiyo Magaalada Cadaado. Kadib fadhi xalay ay yeesheen Odoyaasha iyo Siyaasiinta Beesha Habargidir.
Dadaalkii socday Shalay ilaa maantay ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Is faham waxaana awal laga cabsi qabay isku dhac ciidan oo ka dhaca degmada Xarardheere, kadib Ciidamadaan Oo ka yimid Dhuusamareeb iyo kuwii difaaca degmada Xarardheere oo walaac ka qabay imaatinka ciidamada madaama ay jirto Khilaaf sababay xil ka qaadista Gudoomiyihii degmada asna uu gaashaanka u daruuray warqadda wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug.