Waalidiinta ay caruurtooda weli ku maqan yihiin dalka Eritrea ee tababarka loo qaaday ayaa markale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo dalbanayo in dib loogu soo celiyo ilmahooda.
Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa banaanka keenay xogo cusub oo ay sheegeen inay ka heleen xaaladda dhalinyaradaasi oo ay horey dowladdu ugu dirtay tababar ciidan.
Waalidiinta ayaa sheegay in caruurtooda ay haatan wajahayaan xaalado adag, isla-markaana loo heysto lacag dhan 50 Milyan, sida ay hadalka u dhigeen.
“Ubadkeena waxaa laga soo sheegay mushaakilaad badan waxaa laga sheegay in lacag lagu leeyahay 50 milyan ayaa la sheegay. Dabcan dowlad, dowlad kale ayaa la xaasho waan ognahay, laakiin annaga cabsi badan ayaa na heysa,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta
Hodan Aadan oo ka mid ah waalidiintan ayaa dhankeeda sheegtay in wiilkeeda loo soo sheegay inuu dhintay hal sano ka hor, isla-markaana si ay xog uga hesho geeridiisa looga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 3,700 oo Dollarka Mareykanka ah.
“Aniga Hodan Aadan wiilkeyga Ayuub Xuseen wuu dhintay illaa iyo hadda hal sano ayuu duugan yahay wax dowlad ah oo ii sheegay malaha wax iiga xog warrmay malaha, lacagna waa la’iiga dhacay $3700 ayaa la’iiga qaaday oo madax furasho ah,” ayey tiri Hodan Aadan.
Ugu dambeyn waalidiinta ayaa ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu fuliyo ballantii uu ka qaaday, uuna dib ugu soo celiyo caroortooda.
“Xasan ilamaheynii noo keen Ilaahey ka cabso adaa lagu doortay ilmihii noo keen,” ayey tiri hooyo kale oo goobta ka hadashay.
Sidoo kale hooyo kale oo dibad-baxayaasha ka mid ah ayaa iyaduna cod dheer ku tiri “Waa meeshii nalagu xabadeyn jiray nabad ayaa ku banaanbaxeynaa Xasan Sheekh Maxamuudow noo gurmo.”.
Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay
Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka
Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad