Home Wararka Maanta Ciidamadii fashiliyay Weerar ismiidaamin ahaa Masajidka Caligaduud oo abaalmarin la siiyay (Sawirro)

Ciidamadii fashiliyay Weerar ismiidaamin ahaa Masajidka Caligaduud oo abaalmarin la siiyay (Sawirro)

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dhowaan  alshabaab ka xureeyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha guud degmada ayaa booqday saldhiga deegaanka oo alshabaab ay ka qoteen godad waaweyn oo gabaad ay kaga dhiganayeen weerara Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa kacdoonka, sidoo kale Madaxweynaha ayaa Saldhiga kusoo arkay raadadka falal anshax xumo ah oo Al shabaab kula kici jireen dadka masaafurka ah ee ku socdaala wadada gaar ahaan haweenka oo ay kufsi kula kici jireen.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa kacdoonka waxa uun bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin ciribtirka argagixisada cadowga ah, Isagoo dul tagay goobtii lagu fashiliyay gaari damacsanaa inuu isku qarxiyo fariisin ciidamadu ku lahaayeen banaanka hore ee Magaalada waxa uuna abaalmarin gudoon siiyay Ciidamadii fashiliyay weerarkaasi.

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleSirdoonada dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis gaaray (Sawirro)
Next articleXildhibaan Xaadoole oo fariin ka soo diray degaanka Shalay laga xoreeyay Al-Shabaab ee shabeelada Dhexe