Home Wararka Maanta Ciidamada Ukraine oo Duqeeyay Markab uu Leeyahay Ruushka

Ciidamada Ukraine oo Duqeeyay Markab uu Leeyahay Ruushka

0

Ciidamada Ukraine ayaa Sabtidii sheegtay inay duqeeyeen Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo marayey Dekedda Sevastopol ee Badda Madow, kaasoo isla markiiba degey.

Nidaamka gantaalaha lidka diyaaradaha ee Ruushka ee S-400 ee ku yaal jasiiradda Crimea ayaa sidoo kale si guul leh loo beegsaday, sida ay ku sheegtay bayaan uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga shaqaalaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine.

Rostov-on-Don, oo ah markab hoosaadka maraakiibta badda Madow ee Ruushka ee ku sugan dekedda Sevastopol ayaa si guul leh loogu garaacay oo degtay isla markiiba, sida lagu sheegay bayaanka.

Ciidamada Ukraine ee gacanta ku haya nidaamka gantaalada, oo kaashanaya cutubyo ka tirsan ciidamada badda, ayaa si weyn u waxyeeloobay afar gantaal oo difaaca hawada ah ee Triumph Jimcihii, ayaa lagu daray bayaanka.

Ruushka ayaan weli ka jawaabin sheegashada ciidamada Ukraine, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin.

Ukraine ayaa mawqif adag ka taagan Crimea, iyada oo ku adkaysanaysa in jasiiraddu tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Ukraine ayaa sheegtay in Crimea si sharci darro ah uu Ruushka ula wareegay sanadkii 2014-kii.

Ad
Previous articleRaisal Wasaare Abiy Ahmed oo ka hadlay Qaraxii Xalay ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho
Next articleShacabka Yemen oo Taageeray Xuutiyiinta Dalkaasi si loogu Aargudo Ismail Haniyeh