Home Wararka Maanta Ciidamada uganda oo Looga digay weerar kaga imaada Alshabaab inta lagu gudajiro...

Ciidamada uganda oo Looga digay weerar kaga imaada Alshabaab inta lagu gudajiro Ciida Kirismiska

0

Dowladda Uganda ayaa ciidankeeda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya u dirtay fariin ku saabsan in ay ka digtoonaadaan weeraro argigixiso oo ay qorsheynayaan Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, Lt Gen Peter Elwelu ayaa ka codsaday askarta Uganda ee Soomaaliya ku sugan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta lagu guda jiro maalmaha ciida Kirismaska oo dhamaadka bishaan ku beegan.

General Peter ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro isdaba joog ah oo ay ku dhibaateynayaan ciidamada AMISOM, taasi uu sheegay in loo baahan yahay in askarta AMISOM ay ka fogaadaan mar walba.

Lt Gen Elwelu ayaa hadalkan jeediyay mar uu la hadlayay in ka badan 2,500 oo askari oo ka qeyb galay xiritaanka tababarkii 13-aad ee ka-hortagga howlgallada argigixisada.

Wuxuu kaloo ka codsaday askarta Uganda  inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada kale ee amniga Soomaaliya, ayna wadaagaan xogta si cadowga looga hor tago.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleQaramada Midobey oo Waqtiga u kordhiyay Kooxaha La dagaalaynaa Burcad badeeda
Next articleShir Xasaasi ah oo Maalintii labaad galay oo Musharaxiinta u soconaya iyo Siyaasiin ku biiray