Home Wararka Maanta Ciidamada Ruushka oo la Shaaciyay inay Shirqool ku Dileen Madixii Calshood ushaqaystayaasha...

Ciidamada Ruushka oo la Shaaciyay inay Shirqool ku Dileen Madixii Calshood ushaqaystayaasha ee Wagner

0

Shil diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow tuullada Kuzhenkino ee gobalka Tver ee dalka Ruushka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toban qof uu ku jiro madaxii kooxda calooshoos u shaqeystayaasha ee Wagner.

Diyaarada oo bur burkeeda shaki badan hareeyay ayaa soo dhacday xilli ay hawada ku jirtay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in diyaarada ay soo rideen ciidamada difaaca cirka ee Ruushka.

Hayádda duullimaadka rayidka ee dowladda Ruushka ayaa shaacisay in dhammaan ay dhinteen rakaabkii diyaarada saarnaa, waxa ayna hayádda soo bandhigtay magacyada tobanka qof ee shilkaasi ku geeriyooday.

Dadka ku dhgintay shilka diyaaradeed waxaa ku jira xubno aad ugu dhawaa madaxda kooxda Wagner, waxaana dadkaasi ku jira nin dowladda Mareykanka kusoo rogtay cunaqabateyn sababo la xariira ku lug lahaanshaha dagaalka Ukrane.

1- Madixii Shirkadda Milliteriga PMC Wagner Group (Private Military Company), Yevgeny Prigozhin,
2- Dimitry Utkin,
3- Sergey Propustin,
4- Yevgeny Makaryan,
5- Alexander Totmin,
6- Nikolay Matyuseyev iyo
7-Valery Chekalov

Duuliyaasha iyo shaqaalaha diyaarada ee iyana dhgintay ayaa kala ah :

1- Alexey Levshin, Duuliyaha Koowaad,
2- Rustam Karimov, Kaaliyaha Duuliyaha iyo
3- Kristina Raapopova oo ahayd U-Khidmaynta dadka Rakaabka.

Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in ay socdaan baaritaanka sababta keentay bur burka diyaarada nuuceedu ahaa Embraer-153BJ (EBM-135BJ), waxaana shaki badan la galinayaa in shirqool lagu dilay madaxii Wagner iyo dadkii la socday.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Madaxii kooxda Calooshood ushaqaystayaasha Wagner ee Ruushka oo dhintay
Next articleWararkii ugu danbeeyey Ciidamada Xasilinta Caasimada oo Howlgal Culus ka sameeyey Muqdisho