Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay ilaa 2,000 (Laba kun) oo gantaallo gacan ku sameys ah, kuwaas oo Khawaarijta Daacish ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka iyo Ciidamada maamulkaas ee howlgallada ciribtirka ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan Warshado macmal ah oo Khawaarijta Daacish ay ku sameynayeen gantaallada gacan ku sameyska ah.
Guulo waaweyn ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay laga gaaray howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Ad