Home Wararka Maanta Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Halkii uu ku noolaa Hoogaamiyaha Daacish...

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Halkii uu ku noolaa Hoogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya

0

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Ciribtirka Kooxaha Khawaarijta ah ayaa maanta si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale.

Saldhigga ay ciidanku maanta xoreeyeen waxaa la sheegay inuu ahaa fariisin istaatiiji u ah Kooxda Daacish, wuxuuna ku yaallaa bartamaha Buuralayda Calmiskaad ee Gobalka Bari.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Puntland ayaa sheegay in Tuuladaas uu deganaa hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin.

Tuulada Tuurmasaale ayaa la sheegay in talis weyn oo muhiim ah ay u ahayd dhaqdhaqaaqa kooxda Daacish oo hadda wajaheysa dagaal ay ku qaadeen ciidamada Puntland.

Sarkaal sare oo lagu magacaabo Jeneraal Fu’aad Xanaano iyo askar kale ayaa la xaqiijiyey in Puntland ay maanta uga dhaawacmeen dagaalka ay Daacish uga xoreeyeen deegaanka muhiimka ah ee Tuurmasaale.

Dhanka Kale ciidanku waxa ay cagtamariyeen saldhigii difaaca u ahaa Tuurmasaale oo isna lagu magacaabo Janajiifta.

Sidoo kale Ciidamada Puntland waxay ku guulaysteen inay saaraan tobanaan miinooyinka dhulka lagu aaso ah oo ay Daacish gelisay wadooyinka soo gala deegaankaas.

Khawaarijta Daacish ayaa toddobaadkii u dambeyay jab culus lagu gaarsiiyey dagaalka ka socda deegaanada maamulka Puntland, waxayna ciidamadu ku sii siqayaan dhulka buuraleyda ah oo kooxdu meydad iyo dhaawacyo tiro beel ah ay la gashay.
Ad
Previous articleMaraykanka Soomaali Durbaba Xukun Adag lagu Riday kadib Doorashadii Trump
Next articleJeesoow oo Jawaab adag ka Bixiyay Hadalkii Cali Jayte