Home Wararka Maanta Ciidamada Police meletaaro oo Xiray Wadada isku Xirta Muqdisho Afgooye

Ciidamada Police meletaaro oo Xiray Wadada isku Xirta Muqdisho Afgooye

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Milataaro ayaa saaka lagu daadiyay laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan deegaanka Ceelasha, kuwaas oo isku fidiyay guud ahaan xaafadaha deegaankaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha waddadaas oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale arrintan ayaa saameyn ku yeelatay goobaha ganacsiga iyo waxbarasada oo xiran, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Gaadiid badan oo ka yimid dhinaca magaalada Afgooye ayaa sidoo kale waddadan ku xayiran, taas oo keentay inuu hakad galo dhaq-dhaqaaqa waddadaasi.

Sababta halkaas ciidamada loo geeyay ayaa ah inay howlgal burburin ah ka sameeyaan deegaanka Ceelashaha Biyaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaafadda la burburinayo ayaa waxaa lagu magacaabaa Ramadaan, waxaana deggan dad shacab ah oo muddo ka bdan 10 sano deegaansanayay halkaasi.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo ay laamaha amniga ka bixiyeen howlgalka ka socda Ceelasha Biyaha iyo waddada muhiimka u ahayd ee shacabka ee saaka la xiray.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa mararka ay sameynayaan howlgallada gaarka ah xira waddooyinka, waxaana u dambeysay markii la burburinayay xaafadda Dab-damiska oo gebi ahaanba la jaray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, maadaama laga cabsanayay inay kacdoon sameeyaan shacabka laga barakicyay halkaas oo muddo dheer diidanaa.

Ad
Previous articleMeydad iyo Hub Tirabeel ah oo Dagaalkii saakay looga Furtay Alshbaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleCiidamadii Dowlada ee kasoo Baxay Furimihii Dagaalka Galmudug oo u Gacan qaaday Taliyahooda