Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada NISA oo lagu wareejiyay Sarkaal kii Alshabaab ahaa ee laga qabtay...

Ciidamada NISA oo lagu wareejiyay Sarkaal kii Alshabaab ahaa ee laga qabtay Galmudug

0

Ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya , ayaa maanta lagu wareejiyay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo dhawaan ciidanka booliiska Galmudug ka qabteen deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud.

Sargaalkan lagu wareejiyay ciidanka NISA oo lagu magacaabo Idiris Maxamed Sh. Maxamed Nuur, ayaa in muddo ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna kasoo howlgalay deegaannada Galmudug iyo deegaano kale oo katirsan dalka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in sargaalkan in muddo ah ku raadjoogeen , waxa ayna soo qabashadiisa niyadjab ku tahay kooxda Al Shabaab uu sannado badan katirsanaa una hayay ninkan shaqooyin badan.

Saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab ayaa gacanta u galay ciidanka dowladda Soomaaliya, halka qaar kalana ay kasoo baxsadeen kooxda Al Shabaab iskuna soo dhiibeen ciidanka dowladda, kuwaa oo la geeyay xarumo lagu dhaqanceliyo Shabaabka soo goosta

Ad
Previous articleGalmudug oo soo Qabatay ninka tirsana Alshabaab
Next articleJoe Bide oo Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka Kulan Deg Deg Ah iskugu yeeray