Home Wararka Maanta Ciidamada Macawislayda oo Maantay Magaladaan Cusub Kala Wareegay Alshabaab

Ciidamada Macawislayda oo Maantay Magaladaan Cusub Kala Wareegay Alshabaab

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay howlgallo culus ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada deegaanka ayaa weeraray fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Halgan ee gobolkaasi, waxayna dhulkaasi ka saareen xubnihii ku sugnaaa.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay inay ka war heleen Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayo deeegaannada howlgalka laga sameeyeen kadibna ay sidaas ku weerareen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen ayna la wareegeen deegaanada hoos yimada degmada Halgan.

Waxaa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedka uu yahay inay halkaasi ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka soconayo abaabul xoogan, waana halka uu kasoo bilowday kacdoonka ka dhanka ah Khawaarijta ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleMidkamid ah Xildhibaanadii Shalay Taageeray Itoobiya oo Maantay Ka Laabtay
Next articleDiyaarad Ruushku lahaa oo burburtay oo la ogaaday in aanay cidina ka badbaadin dad kii saarnaa