Home Wararka Maanta Ciidamada Macawislayda oo Ka Baxay Guud ahaan Magaalada xarardheere

Ciidamada Macawislayda oo Ka Baxay Guud ahaan Magaalada xarardheere

0

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay isaga baxeen guud ahaan degmada Xarardheere oo maalmahaan ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay xilka qaadis dhowaan lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka degmadaas, Maxamed Yuusuf Kulmiye.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada hubeysan ee deegaanka laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen degmada Xarardheere, si loo qaboojiyo xaaladda magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amar sare oo kasoo baxay madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug looga fogeeyay ciidamada Macawiisleyda magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Mudug24, waxaa isna magaalada Muqdisho soo aaday guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Yuusuf Kulmiye oo weli diidan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweyne Qoor Qoor.

Shalay waxaa Xarardheere ka dhacay dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo taabacsan guddoomiye Kulmiye iyo kuwa kale oo la socday guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, kuwaas oo ay is rasaaseyn ku dhex-martay halkaasi.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Xarardheere, isla markaana dhaliyay xiisadda taagan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Si kastaba, xaaladda murugsan ee degmada Xarardheere ayaa laga digayaa sii socoshadeeda, maadaama ay saameyn karto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaaladan, kadib sanado ay maamulayeen.

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay
Ad
Previous articleFarmaajo oo Si wayn uga Soo Horjeestay Arin Xasan Shiikh ku Kacay
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Hawadii Soomaaliya ee lagu Wareejiyay Imaaraadka