Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Alshabaab is aruursanaayay weerar Culus ku Qaaday

Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Alshabaab is aruursanaayay weerar Culus ku Qaaday

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyey maleeshiyaadka la magac baxay ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceelhareeri, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeystay markii ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay heleen ciidamo gurmad ah ay oo ka yimid deegaanka Tardo.

Intaas kadib ayaa waxaa ciidamada u suuragashay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceelhareeri oo u dhow magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleNEWS Dowladda Jabuuti Oo Dhakhaatiir Iyo Dawo Soo Gaarsiisay Magaalada Muqdisho
Next article22 Qof oo ku dhimatay Doon ku dagtay Dalka Giriiga