Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada jubaland iyo kuwa Dowlada oo Qarka Usaaran Dagaal Maxaa Soo kordhay?

Ciidamada jubaland iyo kuwa Dowlada oo Qarka Usaaran Dagaal Maxaa Soo kordhay?

0

Xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, waxaana ay isku rogtay dagaal toos ah, iyada oo labada dhinac ay shalay ku dagaalameen aagda deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Warar hoose oo soo baxayo ayaa haatan sheegaya in Jubbaland oo ka hortageyso duulaanka dowladda dhexe ay ciidamo badan ku diyaarsatay deegaamo ka tirsan xadka Kenya iyo Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan xiisadda soo korortay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadaas oo loo dhammeystiray qalabkooda ay soo gaari doonaa  aagga degmada Badhaadhe oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhammaan ciidamada Jubbaland la geliyay heegan buuxa, waxayna u dhaqaaqeen deegaannada hoosyimaada Raas-gambooni iyo Kismaayo oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sheegtay inay la dagaalameyso wax ay ku sheegtay maleeshiyo beeleedyo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhankooda ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan inay usgu ballaariyaan gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hortimid dub u doorashada Axmed Madoobe ayaa dooneyso in gebi ahaanb lasoo afjaro maamulkiisa, si meesha looga saaro.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Dhex maray Alshabaab iyo Dowlada iyo Saraakiil Ku dhimatay
Next articleTurkiga oo Heshiis kale oo Shidaal ah Lagalay Soomaaliya