Ciidamada Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Mgaalada Maxaas ayaa Maantay Shir ay la yeesheen Maamulka Maxaas iyo kan Gobalka Hiiraan ayaa Maantay Codsaday Codsiyo aan Horay Looga Baran Taas oo layaab ku noqotay Dadka Reer Hiiraan iyo kuwa Reer Maxaas.
Kow:Ciidamada IToobiya ee jooga Maxaas iyo Codsaday in lakeeno Ciidamo Soomaali ah oo kala Wareega Saldhiga ay ka daganyihiin Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan Sheegayna inay Todobaad Gudihiis Ku Baxaayaan.
labo:Ciidamada Itoobiyaa ayaa Sidoo kale Codsaday in lagalbiyo lana geeyo ilaa Xaduud Itoobiya ee Feer Feer iyagoo sheegay in ay hayaan in Alshabaab Qorshaynayso in ay wadada Ugalaan Ciidamadaan aysan kala Aqoon wadooyinka Isla markaasna U baahanyihiin Ciidan Deegaanka ah oo Galbiya ilaa Xaduudka Itoobiya.
arinkaan ayay ku sheegeen inay sabab utahay Cadaadis uga Yimid Ururgoboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka Kuwaas oo Dowlada Soomaaliya ay ku dacwaysay in Ciidamada Itoobiyaanku wadanka Kabaxaan.
waana Ciidamadii ugu Horeeyey ee Itoobiyaan ah oo Kadib Dalabkii Dowlada Kabaxaaya Dhulka soomaalida Waxaana La Filayaa Sidaan oo kale inay Baneeyaan Guud ahaan Meelaha ay ka joogaan Dhulka Soomaalida.
Xasan Shiikha ayaana U muuqda Mid Ku Guulaystay Daagaalkii adkaa ee uu la galay Abiya Axmed kadib Damicii Itoobiya ee bada Soomaaliya.