Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Itoobiya oo La Wareegay Dhamaan Garoomadii Diyaaradaha ee Gobalka Gedo

Ciidamada Itoobiya oo La Wareegay Dhamaan Garoomadii Diyaaradaha ee Gobalka Gedo

0

Ciidamada Itoobiya oo Maalmahaan Waday Dhaqdhaqaayo ka Dhan ah Dowlada Soomaaliya ayaa Maantay Qaaday Talaabo ka caraysiin Karta Dowlada Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ku Sugnaa Gobalka Gedo ayaa Maantay La wareegay Laba Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Gobalka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayaa Horay U maamulaayay Sadex Garoon Diyaaradeed oo ku Yaal Gobalka Gedo Waxayna Maantay La wareegeen Laba kale oo ahaa Labada kaliya ee ka Madax banaanaa.

Garoomada ay maantay La wareegeen Waxaa ka mid ah Goroonkii Degmada Luuq oo Markii Hore aan ku jirin gacanta Ciidamada Itoobiya Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay Garoonka Diyaaradaha Degmada Buurdhuumo.

Ciidamadaan ayaa Dhawaan kasoo Talaabay Xadka Dowlada Itoonbiya la wadaagto kan Somaaliya Ciidamadaan ayaana ka tirsanayn kuwa ATMIS ee Sharciga Ku jooga Dhulka Soomaaliya.

Arinkaan ayaa kusoo aadaya Xili Dowlada Itoobiya iyo Tan Soomaaliya Xaalkoodu Sii Xumanaaya Maamulka Gobalka Gedo ayaa Dhawaan Taageeray Dowlada itoobiya kana Soo Horjeestay Kuwa Masar.

Dowlada Soomaaliya ayaana Wali ka Hadlin Talabadaan ay maantay Qaaday Dowlada Itoobiya Tan ayaana Kusoo aadaysa Xili Dowlada Itoobiya ay Shalay Hanjabaad Culus usoo dirtay Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Masar.

Dowlada Itoobiya ayaan ayana wali ka hadalan Dhaqdhaqaan Cusub ee ay kawadaan Gudaha Soomaaliya Gaar ahaan Gobalka Gedo Horay Ciidamada Itoobiya ayaa Gacanata Ugu haayay Garoomada Doloow Somaliya, kan baardheere iyo Magaalada Garbahaareey ee Xarunta  ee Gobalka Gedo

 

Ad
Previous articleWasiirka Caafmaadka oo laga Gudbiyay Dacwo ka dhan ah
Next articleGudoomiye Adan Madoobe oo Amar Culus kusoo Rogay Xildhibaanada Baarlamaanka Iyo Xildhibaano ka Carooday