Home Wararka Maanta Ciidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaayo Xoogan ka wada Gudaha Soomaaliya

Ciidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaayo Xoogan ka wada Gudaha Soomaaliya

0

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay gudaha dalka, kuwaas oo si aad ah looga dareemay gobollada ay ka howlgalaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ay la xiriiraan bixista ciidamada Itoobiya oo la filayo inay ka wada baxaan dalka Soomaaliya.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda bilaabay inay faarujiyaan saldhigyada ku yaalla gobollada ay ka howlgaan sida Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool.

Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ayaa hadda hormuud u noqonaya dhimista ciidamada shisheeye ee dhammaanka sanadkan ka baxaya gudaha Soomaaliya.

Bixitaanka ciidamadan waxaa sidoo kale soo dadajisay xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, ayada oo dhowaan Golaha Ammaanka ee QM ay ansixiyeen howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo la filayo inuu bilowdo sanadka soo socda ee 2025, waxaana kusoo biiraya Masar oo ay sidoo kale is hayaan Itoobiya.

Ad
Previous articleSanbaloolshe oo Gaaray Xeradii lagu Fashiliyay Qaracyadii Saakay
Next articleMid kamid ah Agaasimayaashii Xasan Shiikh mudada La Shaqaynaayay Oo Caawa Xilka Laga Qaaday