Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa go’aankeedii hore ee ahaa in Ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Dowladda ayaa amartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan ka hor 31-ka December, xilliggaasi oo uu ku egyahay muddo xileedka howlgalka ATMIS. Go’aankaas ayaa ka dhashay caradii ay Soomaaliya ay ka qaaday heshiiska Itoobiy iyo Soomaaliya.
Hase yeeshee, labada dal ayaa dhowaan gaaray heshiis lagu soo afjaray khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) ee Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii January, kaas oo soo jeediyay in dhul xeebeedka laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka dhigato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, taas beddelkeedna ay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.
Heshiiskii 11-kii December, oo uu fududeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dib u xaqiijiyay ballanqaadyada labada waddan ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo shuruucda caalamiga ah.
Si kastaba, mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa laga soo xigtay in mar hore la qorsheeyey ciidamada ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM, sidaas darteedna, uusan jirin waqti ku filan oo hadda isbeddel loogu sameeyo.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa horay u ansixiyay AUSSOM, oo loo qorsheeyay in lagu beddelo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) laga bilaabo Janaayo 2025.
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dowladda ku cadaadinaya ka qaybgalka Itoobiya ee hawlgalka cusub ee AU-da. Waxayna horey u qiimeeyeen in Itoobiya ay u badan tahay inay ku sii sugnaan doonto Soomaaliya. Balse arrintan ayey Soomaaliya sheegeysa in ay adag tahay.
Soomaaliya ayaa horey Masar waxay bishii Agoosto 2024 la saxeexatay heshiis difaac. Masar ayaa qorshaynaysa inay ku dhowaad 10,000 askari oo Masaari ah ay geyso Soomaaliya, si ay u beddelaan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga