Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo Soo Bandhigay Maxabiis iyo Hub ay Ka Soo Qabsadeen...

Ciidamada Galmudug oo Soo Bandhigay Maxabiis iyo Hub ay Ka Soo Qabsadeen Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidamada daraawiishta galmudug oo kaashanaya ciidamada deegaanka bajeela ayaa saaka howlgal qorshaysan waxa ay ka fuliyeen duleedka degaanka baraag-Ciise

Ciidamada ayaa waxey howlgalka ku dileen maleeshiyaad argagixisada u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha baada ah ciidamada ayaa dhanka kale nolasha ku qabtay xaashi garaad Cali oo magaciisa( Afgarashada Yahay Yaxye ) iyo hubkii uu khawaarijta ugu adeegayay

ciidamada daraawiishta ayaa sheegay inay wali ku daba joogaan firxadka khawaarijta oo u kala cararay dhulka miyigaa

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhuumaalaysi ku imaanayay deegaanka baraag-ciise iyo tuulooyinka hoos yimaada kuwaas oo dhac iyo handadaad ku haayay shacabka deegaanka waxayna taas saaka ka jawaabay ciidamada daraawiishta iyo kuwa deegaanka.

Ad