Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Shalay Gaalkacyo Dad ku Laayay

Ciidamada Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Shalay Gaalkacyo Dad ku Laayay

0

Taliska Booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaabka ay ka sameeyeen gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeshiyaad Jimcihii gaari ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen qaar ka mid ah raggii rasaaseeyey gaariga, islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo baxsaday.

Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu rasaaseeyey gaariga ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Bukhaari ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka, kaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyinta degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha xasilinta ee gobolka Mudug.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray fal dambiyeedyada ka dhaca Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo noq noqday falalka ammaan dari ee ka dhaca waqooyiga iyo koonfurta magaaladaasi oo ay ka kala arimiyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo ka Hadlay Arinta Gobalka Gedo Farmaajana U Mahadceliyay
Next articleAlshabaab oo Weerar layaab leh Ka Fuliyay Degmada Balcad Askar Badana Ku laayay