Home Wararka Maanta Ciidamada dowlada oo Xoog kusoo furtay Gaadiid iyo dad Alshabaab xoog ku...

Ciidamada dowlada oo Xoog kusoo furtay Gaadiid iyo dad Alshabaab xoog ku Haysteen

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October waxaa si gaar ah looga fuliyay tuulada Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd bar-koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo shacab badan.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay fasaxaan gaadiidkii iyo dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa halkaasi, iyagoo bur-buriyay dhamaan barihii koontarool ee kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo lacago looga qaadan jirey, laguna dhibaateyn jirey, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay howl-galka.

Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow, oo ah Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada cagta mariyeen dhamaan isbaarooyinkii ay kooxda dhigatay halkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah.

“Ma aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaan markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan,” ayuu yiri Taliye Nuur Gaabow oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxa uu yiri “Intuu howl-galka socday waxay Libaaxyada Qarankeenna ee xoogga dalka sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid.”

Taliye Gaabow ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada looga hortagayo dhibaatooyinka kooxda ku hayaan gaadiidka iyo shacabka ku safra waddooyinka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaro ayaa leh baro-kaantarool oo lagu baaro gaadiidka, islamarkaana looga qaato lacago baad ah, iyagoo ciddii ay rabaan kala dagta gaadiidka, taasi oo dhibaato xooggan kala kulmaan dadka shacabka ah.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDowlada itoobiya oo goob fagaare ah uga Guulaystay Soomaaliya
Next articleBooliska soomaaliya oo kusoo biiray Doorashada Qof iyo cod ee Xasan shiilh wato