Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Xoog Alshabaab uga Saaray degaankaan

Ciidamada Dowlada oo Xoog Alshabaab uga Saaray degaankaan

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta deegaan cusub kala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ka sameeyeen gobolka Baay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta ah kula wareegeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira degmadaasi.

War kasoo baxay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km u jira degmada Buur-hakaba ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaamulka Masaajidka Cali Jimcaale War Deg Deg ah kaso saaray Imaamkii Wax ka Sheegay Shiikhii Shalay Geeriyooday
Next articleMaxay ku Heshiiyeen Beelaha Sacad iyo laylkase ee dhawaan Dagaalo Qaraar Ku Dhex mareen Mudug?