Ciidamada XDS ayaa hareereeyay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe oo noqotay Degmadii ugu dhibka badneed ee laga saaro AS.
Xilli kasta oo gacanta Dowladda ay Degmada soo gasho, waxaa yaraata xariirka iyo wada shaqeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka, laakiin hadda waxaa loo dajiyay qorshe amni oo Rasmi ah.
Ciidamado uu Hogaaminayo Cagale Xasan Guure iyo saraakiil kale oo hogaaminaya ciidamo si gaar ah loo tababaray ayaa Hareereeyay Degmada, Ciidamada Dowlada ayaana Qorshaynaaya inay isku Furaan Ruunirgood, Ceelbacad, Galcad iyo Ceelbuur.
Dhowr mar oo Laqabtay Degmadaan Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Dadka Deegaanka Ayaa Isaga Soo Baxay Kadib Markii Alshabaab Culays soo Saareen.
Ad