Ciidanka Xoogga dalka ayaa la wareegay gacan ku haynta degaano ku yaalla duleedka degmada Afgooye gobolka Sh/hoose, kuwaasoo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Degaanada ay la wareegeen ciidamada waxaa ka mid ah Jambaluul iyo Kaxarow oo Dhanka galbeed kaga Beegan Degmada Afgooye.
Ciidanka ayaa la sheegay iney cagta mariyeen Maxkamad Al-Shabaab ku laheyd Degaanka Jambaluul, waxayna soo bandhigeen agab kala duwan oo ay goobta kaga carareen Nabadiidka Al-Shabaab.
Dhamme Xaashi Max’uud Bullaale oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishtu ay burburiyeen taliskii Al-Shabaab ee Degaanka Kaxarow.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta K/Galbeed ee Gobolka Shabeellaha Hoose G/sare Nuur Xayir ayaa isna sheegay in Howlgalkan uu sii socon doono, isla markaana ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaanada ay gobolka kaga sugan yihiin.