Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Qaaday Alshabaab(Sawiro)

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Qaaday Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidanka kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha iyo daafaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka wada howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Ciidanka ayaana tagay bannaanka degmada Ruun-nirgood si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee degmadaasi, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgallo ay uga hortagayeen weeraro Al Shabaab uga yimaada.

Taliyaha guutada 18-aad Gorgor Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa hoggaaminaya howlgalka, ayaa sheegay in ciidanka u taagan yihiin xaqiijinta ammaanka degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Ciidamada ayaana goobaha ay tageen kula kulmayay shacabka degan , waxa ayna ciidanka shacabka kala hadlayeen xaaladooda, iyagoona u sheegayay in ay diyaar u yihiin kahor taga kooxda Al Shabaab ee shacabka dhibaateysa.

Ad
Previous articleCiidanka ATMIS oo ciidanka Soomaaliya ku wareejiyay saldhiggaan Xili ay Baxayaan
Next articleDuqayn Culus oo Xalay lagu Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here