Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Furaaya Labadaan Magaalo oo Alshabaab kala...

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Furaaya Labadaan Magaalo oo Alshabaab kala jareen

0

Waxaa socota u diyaar-garowga u dambeeyay ee howlgal culus oo la isugu furayo magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee maamulka HirShabelle.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha lugta Dayax Cabdi Cabduulle ayaa shiray howl-galkan Al-Shabaab looga sifeynayo magaalooyinkan, si la isugu furo.

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha barlamaanka HirShabelle iyo saraakiil kale, ayaa waxaa iskula qaatay in la bilaabo howlgal Al-Shabaab looga sifeynayo wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Ad
Previous articleMadaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si yaab leh uga hadlay masiirka Soomaalida deegaanka
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya