Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda oo Ku Dheelmaday Alshabaab Jiifay Hubna kasoo...

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda oo Ku Dheelmaday Alshabaab Jiifay Hubna kasoo Furtay(Sawiro)

0

Howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) Askari oo ka tirsanaa Kooxda Alshabaab , waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan.

Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka Alshabaabkii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka.

Ad
Previous articleSoomaaliya oo qaramada Midoobay uga cabatay ciidanka Itoobiya iyo cawaaqibka ka dhalan kara arrinkaan
Next articleNinkii Dilay Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo Laga Dajiyay Garowe