Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo Dhul Hor leh Kasaaray Alshabaab

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo Dhul Hor leh Kasaaray Alshabaab

0

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor Gor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta la hadlay.

Taliye Cabdiwali ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga kooxda Al-Shabaab iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Al-Shabaab-ka dhuumaaleysiga ah.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo joogto ah ka fuliya deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan Al-Shabaab, waxayna howlgalkaas kadib inta badan ciidanku dib ugu laabtaan fariisimahooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda qorsheyneysa inay laba jibaarto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay furimaha loo diray ciidankii ugu badnaa.

Howlgalkaan laga fuliyey aagga Galcad wuxuu ku soo aadayaa xilli shalay howlgal kale oo ciidanku ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug ay ku dileen laba xubnood oo Shabaab ah.

Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo hoggaaminayey kooxda Shabaab-ka ah oo lagu beegsaday degaanka Baraag-Ciise ee koonfurta gobolka Mudug, xubnaha Shabaab-ka ah ayaa xoolo ka uruursanayey dadka reer miyiga ah ee deegaankaas ku nool.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Turkiga oo ugu danbayn oggolaaday ku biiritaanka Sweden ee Nato
Next articleP.M Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo baaq kasoo saaray Khilaafaadka ka jira Puntland, Gedo iyo Hiiraan