Home Wararka Maanta ciidamada difaaca ee Dalka kenya oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab...

ciidamada difaaca ee Dalka kenya oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta ciidamada difaaca ee dalkaas ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi, halkaas oo ay u isticmaali jireen sameynta qaraxyada ay ku aasaan waddooyinka isku xira gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu ee dalkaasi Kenya.

Laamaha amniga Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hwolgalkaas lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada weerarka qaaday ee gudaha u galay saldhiggaas ayaa soo furtay agab qaraxyada laga sameeyo, daawooyin iyo qalab kale, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ilo wareeyada ayaa intaasi ku sii daray in la tuhunsan yahay in goobtan ay eheyd xarunta kaydka saadka Shabaabka ka dagaalama gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliska ciidanka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay la soo wadaageen xogtaas, sidoo kalena ay kala shaqeeyeen howlgalka lagu qaabay goobta.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo u badan qaraxyo khasaare u gaysta ciidanka dalkaas iyo shacabka.

Si kastaba, Kenyaayaa  qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Dhagac dhigay Wado Muhiim ah o Muqdisho laga Dhisaayo(Sawiro)
Next articleAxmed Xasan iyo Aadan Maxamed oo Qaab layaab leh Alshabaab ula Shaqaynaayay oo Xukuno Adag lagu Riday