Home Wararka Maanta Ciidamada Darwiishta Galmudug oo Xalay Cashar layaab leh u Dhigay Alshabaab ku...

Ciidamada Darwiishta Galmudug oo Xalay Cashar layaab leh u Dhigay Alshabaab ku Sugnaa Caad

0

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaaya Kuwa macawislayda deegaanka ayaa Xalay Cashar Alshabaab aysan Filanayn ku dhigay Ciidamadaan ayaana Halmar Si lama Filaan ah weerar Kadis ah ku Qaaday Magaalo ay Horjoogayaal Alshabaab ah ku Shirsanaayeen Taas oo Ku Dhextaal Gudaha Magaalooyinka Alshabaab Maamulaan.

Ciidamadaan oo Kaa shanaayay kuwa Macawislayda ee dhulka aadka ukala yaqaan ayaa Qaab lama Filaan ah ku galay Magaalada Caad ee Gobalka Mudug Taas oo ahayd Magaaladii Ugu danbaysay ee Alshabaab Sanadkii Hore Laga qabsaday Balse Dib looga Baxay.

Magaalada Caad ayaa Waxaa Xalay Ku shirsanaa Hojoogayaal Ashabaab ah Kuwaas oo Lagu weeraray Guri ay ku jireen oo La sheegay Inuu lahaa Horjooge lagu magacaabo Macalin Geedi kaas oo Alshabaab u Qaabilsanaa Degaanka Caad.

Ciidamadaan ayaana Si nabad ah Howlgalkaan Guulaystay kadib ay ku Laabteen Halkii ay kasoo Baxeen Dadka Reer Galmudug ayaa Ilaa Hada is Waydinaaya Sida Ciidamada Deegaanka Iyo ku Galmudug Ku Gaareen Halkaas ayna Dhaafeen Magoolooyin Badan oo Alshabaab Haystaan.

Lama Oga Khsaaraha Gaaray Kooxda Alshabaab oo La kulmay weerar aysan Marnaba Filayn inuu Uga Imaan karo Daraawiishta Galmudug iyo Dadka Deegaanka Ciidamadaan ayaana La sheegay inay Maalmo kahor Ka Baxeen Degmada Wisil Kuwaas oo maalmo ku dhuumaalaysanaayay Howdka Xalayna Mar Qura Ka dul dhacay Kooxda Alshabaab oo War Moog ah.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleItoobiya oo Wali ka Biya Diidan Ka Bixitaanka Soomaaliya
Next articleXasan Shiikh oo Isugu Yeeray Labada Gole ew Baarlamaanka Xili Shirkii Golaha Wadatashi qaran…