Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ka fuliyeen deegaannada Tooratootow iyo Caliyow Baarow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, ayaa gudaha u galay deegaanadaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo loogu tegay deegaanadaasi.
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiyeen goobo ay xoogaga Al-Shabaab lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Tooratoorow oo ka mid ah meelaha howlgalka laga fuliyey ayaa waxaa sanado badan ka taliya Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo saldhigyo waa weyn iyo xarumo maxkamadeed.