Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore guddiga doorashooyinka usoo saareen jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedkiisa, taas oo sii kicisay xaaladda cakiran ee Puntland.
“Taliska ciidanka kumaandooska Danab ee Puntland, wuxuu bulshada reer Puntland u caddaynayaa in uusan marna ogolayn in dalka la geliyo firaaq dastuuriya, ayada oo la fulinayo damaca madaxweynaha waqtigiisu dhammaadka yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale taliska ayaa cambaareeyay go’aanaddii kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee Puntland oo shaaciyay jadwal doorasho oo muran badan dhaliyaay.
“Taliska ciidanka Danab wuxuu cambaareynayaa warqaddii sharci darrada ahayd ee kasoo baxday PEC oo Deni u dhisay hab baalmarsan dastuurka dalka” ayaa la raaciyay qoraalka.
Ciidaanka kumaandooska Danab ee Puntland ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in wixii dhibaato ah ee ka dhasha muddo kororsiga uu qaadi doono madaxweyne Saciid Deni.
“Taliska ciidanka Danab wuxuu bulshada Soomaaliyeed, tan Puntland iyo beesha caalamka la wadaagayaa in wixii amni darro ah ee ka dhasha damaca muddo kororsiga oo uu wado Deni uu qaadayo mas’uuliyadda, lagulana xisaabtamo doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay.
Go’aanka guddiga PEC ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda 2024-ka, taas oo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray, taas oo ay diidan yihiin mucaaradka.