Home Wararka Maanta Ciidamada Burundi oo Dib u Qabsaday Deegaanka Ceel Baraf

Ciidamada Burundi oo Dib u Qabsaday Deegaanka Ceel Baraf

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ay dib ula wareegeen, iyaga oo kaashanaya ciidamada milatariga Somalia, deegaanka Ceel Baraf ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta oo qaaday howlgal wadajir ah ayaa gudaha u galay saldhigga deegaankaas oo ay laba todobaad ka hor weerar ku qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ayaa lagu soo warramayaa inay ku dageen saldhigga, kadibna ay ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in howlgalka, ka hor ciidamada ATMIS ay madaafiic ku gaareen qaybo ka mid ah Ceel Baraf, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, ayna ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda si nabadoon kula wareegeen Ceel Baraf.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana deegaanka inta badan isaga barakacay qoysaskii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay wadaan ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Ceel Baraf ayaa waxaa dhowaan ka dhacay weerar ku billowday qaraxyo oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Burundi, halkaas oo ay ku dhinteen askar fara badan

 

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Dhambaalo Hambalyo ah Gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo kulankii ugu Horeeyey la Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya