Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska Muqdisho oo Saakay Ku kalahay Dhulkaan Oo burburin kawada

Ciidamada Booliska Muqdisho oo Saakay Ku kalahay Dhulkaan Oo burburin kawada

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xarun ay horay u daganaan jirtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo lagu daadiyay halkaasi, kadibna shacabka lagu amray inay la baxaan alaabtooda, waxaana xigay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dageyso wasaaradda arrimaha gudaha oo iyadu leh dhulkaasi.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka ay ku taallo xarunta.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa la burburiyay xaafad kale oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre loo xukumay dhul ku yaalla halkaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana weli taagan xiisad ka dhalatay burburinta lagu sameeyay halkaas.

Ad
Previous articleDood Culus oo Ka Taagan Magaacaabista Bashiir Goobe iyo Qayla Dhaan ka Taagan
Next articleDowlada Imaaraadka oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Soomaaliya