Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan heegan buuxa gelisay ciidamadeeda badda, kadib heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee kowdii bishan ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo abuuray xiisad diblimaasiyadeed oo weyn.
Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha ah iyo cadow shisheeye oo u hanqal taagaya baddeena.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xoogga dalka Soomaaliyeed uu awood u leeyahay ka hortegga cadow kasta oo kusoo duula Soomaaliya, ayan ka hortegi doonaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale amray ciidamada badda Soomaaliyeed inay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale amray ciidamada badda Soomaaliyeed inay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonto dhalinyarada cusub ee ku biirtay ciidamada badda, si loo badiyo tiradooda.
“Baddaan weyn ayaa ilaalo naga rabto, si loo ilaaliyana waa in laga faa’iideysto xoogag cusub ee maanta kusoo biiran Ciidamada Xoogga dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa oo ay si weyn uga carootay dowlada Soomaaliya.