Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo War kasoo Saaray Dil ay Shalay ka Gaysteen Magaalada...

Ciidamada ATMIS oo War kasoo Saaray Dil ay Shalay ka Gaysteen Magaalada Muqdisho

0

Taliska guud ee howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saaray dil ay Jimcihii askar ka mid ah kuwooda ay ka geysteen isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka ayaa waxaa laba xabadood ku dhuftay askari ka tirsan ciidanka ATMIS oo la socday kulanyo mareysay halkaasi.

ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku qiratay dilkan inuu geystay askari kamid ah ciidankeeda, waxayna shaaca ka qaaday inay ka qoomamayneyso falkaasi.

“Hawlgalka ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toogashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu shalay ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ATMIS.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, ayada oo ku baaqday in deganaan la muujiyo inta uu ka soo dhamaanayo dabagalka.

“ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan madaxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ayaa markale lagu yiri.

Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa ka dhashay banaanbax ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bareer ah u geysteen dilka.

Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhigaya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.

Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleTahriiyabayaal Ku Dhintey Doon Ay Saarnaayeen Oo Ku Degtey Badda Mediterranean
Next articleMaamul HIRSHABEELE oo Shaaciyay Xiliga ay soo Afjarayaan Howlgalka Dheeraaday ee Alshabaab ay ku qaadeen