Home Wararka Maanta Ciidamada AMISOM oo Muddo Kordhin Loo sameeyay

Ciidamada AMISOM oo Muddo Kordhin Loo sameeyay

0

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee ka howlgala wadanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in mudada loo kordhiyo marka la gaaro 31-ka December 2021,iyadoo looga dhigayo in ay dalka sii joogaan illaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo in ay dhammaato qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

Kulan ay shalay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Ammaanka iyo nabadgalyada ayaa lagu cadeeyay go’aanka ah muddo kordhinta.

Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka laga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afrika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waqti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka afrikaanka ah ee Dalal kala duwan.

15-ka Dal ee Doorashada saddexda sano ah ku yimid ee Golaha Nabadda & amniga Midowga Afrika ayaa kala ah: Kenya, Djibouti, Ethiopia, Egypt, Nigeria, Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Mozambique & Senegal.

Qorshahaan oo soo jeedin ah waxaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageera howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM dhankooda looga helo fasaxa waqti kordhinta Bishaan May 2021.

Ciidamada AMISOM Sanad weliba waxaa loo kordhiyaa waqtiga, ujeedka ay Soomaaliya u joogaan waa ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee Dalka, la shaqeynta Ciidamada qaranka & la dagaalanka Al-Shabaab sida ku xusan diiwaan qorsheydka AU & UN-ka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous article(Akhriso) Qoraalka Dowladda Soomaaliya ay ku dalbanayso in Laga laabto Ergayga cusub ee Midowga Afrika
Next articleDiyaarada Kenya Airlines oo war kasoo saartay Duulimaadka ay ka bilaabeyso Hargeysa