Home Wararka Maanta Ciidamada Abiya Axmed oo Dagaal Qaraar lagu Jabiyay Xili Abiya Ciidamada Soo...

Ciidamada Abiya Axmed oo Dagaal Qaraar lagu Jabiyay Xili Abiya Ciidamada Soo Dhoobay Xadka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wajahaya cadaadis horleh, kaddib markii ciidanka federaalka lagu jebiyay dagaallo ay kala hortageen kooxaha wax iska caabbinta ee Amxaarada.

Cadaadiskan ciidanka ee Abiy oo sii kordhayay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa wuxuu go’aansaday inuu kordhiyo ciidamada ka jooga furimaha dagaalka, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa cabsi weyn ka qaba in ay aagga kusoo durkaan ama kusoo dhawaadaan kooxaha kasoo horjeeda saldhigyada ciidanka federaalka ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale wuxuu xilligaan xoogga saaraya niyad dhiska ciidanka, isaggoo faray wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa inay diiradda saaraan sidii ay niyadda ugu dhisi lahaayeen ciidamadooda oo qaarkood dib u goconaya askar ay dagaalka ku wada jireen oo u gacan galay xubnaha kasoo horjeeda.

Dagaalka ka socda ismaamulka Amxaarada ayaa culeys weyn ku haya xukuumadda Abiy Axmed, maadaama ay horay ugu jabtay dagaalladii ka dhacay maamulka Tigree, oo askar badan uu ku waayay, halka boqolaal kale looga qabsaday Abiy.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya wajahayo cadaadis caalami ah, kadib markii uu heshiis qaras ka tuurnimo uu la saxiixday Somaliland, kaas oo uu ku rabay riyo-maalmeedka marin badeed ay hesho Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn uga carootay heshiiskaas ayaa caalamka tustay xad-gudubka Abiy Axmed uu ku kacay, taas oo dhaawac weyn u geysatay meeqaamkii diblumaasiyadeed ee Itoobiya ku laheyd caalamka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaxay Haayeen Booyada Soomaalida ee Shidaalka Sida oo la Amray inay Dib ulaabtaan?
Next articleFalagle oo Ugu Danbayn Baneeyey Garabka Sxbkiis Qoor Qoor