Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamada Puntland oo Daacish Ka saaray Saldhigyadii ugu waawaynaa ee ay Joogeen

Ciidamada Puntland oo Daacish Ka saaray Saldhigyadii ugu waawaynaa ee ay Joogeen

0

Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay iyo guulaha ay ka gareen ciidamadu.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maanta la wareegtay saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido.

“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waxay la wareegeen goobo talisyo u ahaa Argagixisada Daacish, kuwaasi oo kala ah deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale saraakiisha horkaceysa dagaalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay in argagixisada lag saaro aaggaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Daacish oo ku aadan howlgalladaasi ee ay haatan guulaha waa wayn ka sheegatay dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa haatan sii xoojineyso dagaalka kooxda Daacisha, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay oo ay dhowaan si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Ad
Previous articleWasiirka Caafmaadka oo Si kulul ugu Jawaabay hadalkii Cali Jayte
Next articleAyaan Faarax Abuukar oo Qiratay inay Wax Ka dhacday Lacag Gaaraysa $5.7 Milyan oo doolar