Home Wararka Maanta Maxay qoyska Shaah-macabe ka yiraahdeen warka sheegaya inuu geeriyooday

Maxay qoyska Shaah-macabe ka yiraahdeen warka sheegaya inuu geeriyooday

0

Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), isla-markaana ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Maxay qoyska Shaah-macabbe ka yiraahdeen?

BBC-da oo la hadashay Jawaahir Baarqab oo ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe ayaa sheegtay in qoys ahaan aysan caddeyn karin inuu nool yahay ama inuu geeriyooday.

“Marka horeba askariga Soomaaliyeed isteellaha marka uu xirto geeri iyo nolol ayuu u dhaxeeyaa marka nin taliye ah oo guuto dhan loo dhiibay wiilal badan oo Soomaaliyeed ayuu madax u ahaa, annaga nolol iyo geeri waan naqaanaa, walaalkay wuu imaan doonaa hadduu Alle idmo oo uu nool yahay haddii uu dhintana waa ehelu janno, laakiin isagoo caafimaad qabo inuu yimaado baanu jecel nahay. Meesha caano shub uma uusan tagin Ugaas la soo duubaayo ma uusan ahayn, guul iyo geeriba ninka ragga wuu ka filanayaa goobta dagaalka,” ayay tiri Jawaahir oo u warramaysay BBC.

Laakin Jawaahir Baarqab waxay sheegtay inaysan ogeyn halka ay ka keeneen dadka baraha bulshada ku soo qoraya inuu geeriyooday Shaah macabbe. Waxay sheegtay in geeridiisa ay xaqiijin karaan wasaaradda gaashaan-dhigga, warfaafinta ama taliyaha milatariga Soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo ay qasab tahay in loo sheego oo ay aasaan haddii uu geeriyooday.

Dhanka kale waxay sheegtay inay jiraan xogo ay heleen oo tibaaxaya in Taliyaha uu nool yahay oo uu badqabo oo shaqo qaran ku jiro.

Ad
Previous articleNiger oo amar ku bixisay in ciidmada Dalkaas ay qasab kaga saaraan dalka safiirka Faransiiska Xili Faransiisku Diiday inuu labaxo Safiirkiisa
Next articleCiidamada Puntland oo magaalada Laascaanood ka bilaabay howl-gal ballaaran kadib dalab uga yimida hoggaanka SSC-khaatumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here