Home Wararka Maanta Caro ka dhalatay gabadh 18 sano jir ah oo nolosha lagu gubay

Caro ka dhalatay gabadh 18 sano jir ah oo nolosha lagu gubay

0

Caro ka dhalatay geerida gabadh 18 sano jir ah oo uu gubay nin xirrir kala dhexeeyay ayaa aad looga dareemay gudaha dalka Peru.

Katherine Gómez ayaa go’aansatay inay soo afjarto xirrirkooda balse ninkan oo go’aankeeda ka falceliyay ayaa gabadha ku gubay barxad ay dadka isugu yimaadeen.

Kadib lix maalmood oo ay isbitaalka ku jirtay, Jimcihii ayay dhawaacyadii soo gaaray u geeriyootay .

Eedeysanaha weerarka geystay, ayaa lagu magacaabaa Sergio Tarache Parra, kaas oo aan lllaa hadda la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Arintan ayaa dalka ka yaabisay, kadib markii la sheegay in boolisku ay dhawr maalmood ku qaadatay inay amar ka soo saareen kiiskan hadalhaynta badan dhaliyay.

Dina Boluarte, ayaa tiri: “Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka waa in la joojiyo. Dumarku maaha hantida ninka qaba.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay bixinaysa abaal-marin dhan 50,000 soles qiyaastii $13,000oo doollar qofkii soo hela xog ku saabsan eedeysanaha, Tarache Parra.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSoomaaliland oo ku Dhawaaqday Dagaalkii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Laasacaanood
Next articleMucaaradka Kenya oo ka hadlay go’aan ka soo baxay booliska xilli maanta laga cabsi qabo dibad baxyo